Qodobbada lagaga hadlay shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta

Hargeysa-(Berberanews)-Fadhigii 90-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shirguddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga hadlay qodobbo dhowr ah.
Ugu horreyn, Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha la wadaagay xaaladda abaarta ka jirta dalka, hawlaha gurmadka abaarta ee ay waddo guddidu, bulshada abaartu saamaysay ee wax loo qaybiyey ilaa hadda iyo deeqaha soo gaadhay guddida.
Sidoo kale, waxa Madaxweyne-ku-xigeenku uu ka warramay roobabkii dhowaan ka da’ay qaybo ka mid gobollada dalka, isaga oo xusay in meelaha qaar ay ka da’een roobab lagu qabowsaday.

Goluhu waxa kale oo uu warbixinta amniga dalka ka dhegaysta wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed, isagoo ka xog-warramay xaaladda amniga ee dalku halka uu marayo oo uu xusay in meel looga soo wada jeesto.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa shirka Golaha Wasiirrada horkeenay qoraal faah-faahsan oo ku saabsan wax ay shareecadda Islaamku ka qabto carruurta la tuuro ee aan la aqoon cidda dhashay iyo sida loola dhaqmayo.

Gaba-gabadii shirka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha uga xog-warramay safarkii dhawaan uu ku tagay dalka Maraykanka, waxaannu Madaxweynuhu tilmaamay in safarkaasi guul ugu soo dhammaaday, isaga xusay in dawladda Maraykanku diyaar u tahay in ay la shaqayso Somaliland, waxna ay wada-qabsadaan, qodobbo badanna labada dal ay iska kaashan doonaan.