Safaaradda Mareykanka ee Kenya oo Sheegtay in aanay Aqoonsanayn Dukumentiyada  Soomaaliya

Nairobi –(Berberanews)-Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, ayaa sheegtay inaanay aqoonsanayn dukumentiyada Soomaaliya laga soo qaato ee ay bixiso dawladda Muqdisho.

Soomaali badan oo xaraystay barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ee loo yaqaan Lottery ayey arrintani saameyn ku yeelatay, kuwaas oo dib loogu celiyey qoraallo loogu sheegayo in Safaaradda Mareynkanka ee Nairobi aanay aqoonsanayn dekumentiyadooda.

Arrintani waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay dadka u safraya arrimo caafimaad, ardayda iyo qoysaska doonaya inay dib u midoobaan.
“Waan ka xunnahay, laakiin tani sideedii ayay ahaan doontaa illaa aan ka helno macluumaad ah in siyaasaddan wax laga beddelay,” ayey tidhi safaaradda Mareykanka ee Nairobi.
Arintan, ayaa ku soo beegantay xilli kumannaan Soomaali ah ay sannadkii hore xaraysteen barnaamijka Lotteryga, iyagoo  doonaya inay Mareykanka ku galaan, haddii nasiibkoodu saacido.

Berberanews.com
Info@berberanews.com