Madaxweyne Biixi oo istiqaaladda ka aqbalay wasiir xukuumaddiisa iska casilay

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu Xukuumadda JSL ka hayay,Waxaanu Iscasilaadiisa u gudbiyey Madaxweynaha JSL.

Sida ay Ilo wareedyo rasmi ahi u xaqiijiyeen Wakaalladda wararka Somaliland ee SOLNA Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa is Casilaadiisa u gudbiyey Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, Warku wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweynaha JSL uu ka aqbalay is tiqaalada Wasiirkaas u soo gudbiyey, Wuxuuna Madaxweynuhu uga mahadnaqay Mudadii uu Qarankiisa u soo shaqaynayay.

Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa la filayaa inuu berri oo Khamiis ah magaalada Hargeysa kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed cusub oo la yidhaa Waaberi.