Halista iyo khataraha siyaasadeed ee kusoo fool leh Geeska Africa

 Waxa soo muuqda in aduunku is tun leekaaday oo ay soo baxeen quwado kale oo ka soo baxay Bariga Aduunka oo ay ka mid yihiin China iyo Russia , waxaana ay miisaami doonaan wadamada reer galbeedka iyo USA oo ahaa quwada aduunka ku kaliyeysatay soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay.

Siyaasada aduunku mudadaasi soddonka sanadood ahaa waxaa laga waday oo awaamiirta iyo istaratijiyada lagu hogaamiyaa ka imanaysay dhinac kaliya kaasi oo xiligaasi yareysay xasilooni daro iyo dagnaan la’aan badan oo jiri lahayd.

Maanta oo ay u muuqato in aduunkii iskaba leekaaday waxaa ka soo socda wadamada dunida sadexaad in aanay ku tiirsanaan awaamiir iyo maslaxad siyaasadeed oo dhinac gaar ah oo aduunka ah laga wado ee uu dalwaliba raacdo halka uu ka arkayo danihiisa.

Haddaba gobolkani Geeska Africa oo mudo dheer ku tiirsanaa Siyaasada iyo hogaaminta reer galbeedka ayaa maanta hal-hal ugu xuub siibtay in ay taabacaan quwadaha China iyo Russia oo  saameyntoodii iyo xoogoogii soo baxay waxaana durba muuqatay sida labadaasi dal ay u daneynayaan Geeska Africa oo ay kaabiga u soo saareen , wadamada intoodii badnayna ay yimaadeen.

Danayntooda waxaa calaamado u ah dalka China waxa uu markii ugu horeysay taariikhda ergey usoo magacaabay Geeska Africa waxaana ay ku tusinaysaa ahmiyada uu u hayo iyo sida uu gobolkani barrigiisa iyo badiisaba u rabo ee uu u danaynayo.

Ruushka ayaa iyaguna si dadban u jooga Gobolka Geeska Africa oo ay marba marka ka dambaysa ku soo badanaysaa saameyntiisa xaga ciidamada iyo iskaashiga uu le leeyahay wadamada Geeska Africa .

Arimahani dhamaantood waxa ay soo wadaan in gobolkani dawladaha ka dhisani la kala saftaan quwadaha aduunka ee danaynaya gobolka oo dalwaliba raacdo danihiisa waxaana soo laaban doona dagaaladii barigii xiligii aduunku la kala socday Warsaw iyo Nato oo kale oo dalal badan dagaalo siyaasadeed iyo qaar toos ah ayaa laga yaabaa in ay dhex maraan.

Waxaa sidoo kale fursad heli doona hogaamiyeyaasha raba in ay talada umada mudo sii haystaan oo hadii ay iska hor yimaadaan dunida dimuqaradiga ah ,dawladaha reer galbeed iyo maraykanka waxa ay dhabarka saari doonaan dawladaha China iyo Russia sida hadaba dawlado badani yeeleen , waxaana dal walba ka abuurmi doona isbadel doon reer galbeedka dabada ku haya iyo kalidii taliye reer bariga dabada ku haya.

Meelaha durba ay ka soo muuqdeen siyaasadahani waxa ugu horeeya gobolkani Geeska Africa oo aduunka oo dhami danaynayo , badda cas iyo hareereheega oo ay dawlado ka badan labaatan ku sugan yihiin oo saameyn ku leh amniga, xasiloonida siyaasadeed iyo dhaqaalaha gobolkaba.

Dhamaantood waa halis iyo khataro ku soo fool leh gobolkani marka laga yimaado danaha siyaasadeed, diblomaasiyadeed, istaratijiyadeed ee ay dawladaha gobolku eeganayaan arinkani waxa uu u xun yahay mustaqbalka dadka gobolkani, iyo rajadii ay qabeen hogaamiyeyaasha asal raaca iyo afrikaanimada aaminsan oo waxa uu gobolkani noqon doonaa dhul dhoolatus ay ku sameeyaan quwadaha hirdamayaa.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

.