Ethiopia-(Berberanews)-Dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa bilaabaysa qorshe ku cusub guud ahaan Afrika oo daruuraha lagu carinayo si ay u da’aan, iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah.
Hannaankan oo ay adeegsadaan dalalka horumaray ee adduunka ayaa loo sameeyaa si daruuraha biyo loogu dhaliyo kaddibna meel la isugu keeno si uu roob u da’o.
Arrintan ayaa kusoo aadday xilli isbuucyadii lasoo dhaafay baraha bulshada ee Soomaalida uu si weyn u qabsaday mowduuca la xidhiidha qaabka daruuraha roobka looga dhaliyo iyo saameynta ka imaata howshaas.

Maamulka ayaa tallaabadan shaaciyay xilli hadda ay roobabkii xilliga guga ka curteen meelo badan oo ka mid ah geyiga Soomaalida iyo guud ahaan gobolka.
Marka uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga hirgelinayo qorshahan, waxaa soo baxaya su’aalo badan oo la xidhiidha sidii ay dadku ku fahmi lahaayeen.
Waxyaabaha la si weydiinayo waxaa ka mid ah sababta waqtigan roobku da’ayo loogu soo beegay mashruucan, xilli lasoo maray abaar aad u daran oo saameysay dad iyo duunyo.
Cabdifataax Cismaan Cabdi, oo ah Agaasimaha Waaxda Isbaddalka Cimilada ee Xafiiska Ilaalinta Deegaanka ee hoos taga Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sharraxay qorshahan ugubka ah.
“Waa qorshe la rabo in daruurta lagaga dhaliyo roob. Hadda waxaa lagu jiraa qorshihii billowga ahaa ee diyaar garowga, qalabkii loo baahnaa oo dhan iyo waxyaabihii la adeegsan lahaa ayaa la gaynayaa goobtii loogu talo galay, goor dhowna waxaa la billaabayaa in laga shaqeysiiyo,” ayuu yidhi.
Waxa uu agaasimihu sheegay in dagaalka mashruucan lagu hirgelinayo uu socday muddo aad u dheer, ujeeddaduna ay tahay si xal loogu helo dhibaatada ka dhalata abaaraha sanad walba faraha ba’an ku haya xoolo dhaqatada.
“Farsamadan tiknoolojiyadda ah qorshaheeda waxaa la billaabay 2019-kii, tijaabo ayaa meelaha kale ee Itoobiya lagu sameynayay. Hadda in deegaankeenna la keeno waxay ku timid markii la arkay saameynta ay abaartu leedahay.
“Marka dalab baa la sameeyay, alaabta qayb ka mid ah dibadda ayaa laga doonay, maadaama aanay waddanka oolin, haddadan aan kula hadlayo wax baa dhiman, oo diyaarado drones ah oo qayb ka ah qorshahan baa wali dhiman. waana labo xabo oo jigjiga la keeni doono iyo qalab kaleba,” ayuu yidhi Cabdifataax Cismaan Cabdi.
Bacriminta daruurta biyaha laga dhalinayo ayaa loo adeegsadaa diyaarad adeegsaneysa qalab koronto ah oo daruuraha carinaya. Diyaaraddaas qudheeda ayaa wali ka maqan mashruuca ka billaaban doona Jigjiga, taasoo dhawaan la keeni doono, sida uu agaasimaha sheegay.
Dowladda Itoobiya ayaa in muddo ah isku dayeysay in Roob macmal ah laga sameeyo waddankaas.
Sanadkii lasoo dhaafay ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed shaaciyay in lagu guuleystay dadaalkii roob dhalinta ee bacriminta daruuraha.
“Dhammestirka guusha laga gaadhay carinta daruuraha waxa uu ka dhigan yahay in dadaalladeennii dhinaca horumarinta waraabka ay heli doonaan roobab dheeraad ah,” ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Sababta mashruuca uu xilli hore u hirgeli waayay ayaa ahayd in aan markii hore loo haynin qalabka loo baahnaa iyo kharashka ku baxaya toona.
Hase yeeshee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hadda maalgelisay howshan.
“Dowladdeenna lacag uma aanay haynin mashruucan. Waxaa kharashkan bixiyay Imaaraadka Carabta, waana mid deeq ahaan ah,” ayuu yidhi agaasimaha.
Dalka Isutagga Imaaraadka oo ay ka jirto cimilo aad u kulul ayaa lagu yaqaannay in marar badan laga fuliyay mashaariicda roob dhalinta ah ee daruuraha loogu khasbo in ay da’aan.
@Bbc Somali