Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday mashruuc lagu horumarinayo xogta Cusbitaallada

Hargeysa –(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Taiwan, ayaa kala saxeexday mashruuc lagu horumarinayo xogta cusbitaallada magaalooyinka waaweyn ee dalka, kaas oo ku kacaya lacag dhan 4 milyan oo dollar.
Mashruucan oo hab dhijitaal ah loogu beddelayo kaydka xogta caafimaadka, ayaa laga hirgalin doonaa cusbitaallada magaalooyinka Hargaysa, Borama, Burco, Gabilay iyo Berbera, waxana wajigiisa kowaad laga bilaabi doona Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Sidaa waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyay boga xidhiidhka bulshada ee facebook ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.
“Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxeexday heshiiska mashruuca iskaashiga horumarinta xogta cusbitaallada oo laga hirgalin doono qaybtiisa ugu horreysa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Heshiiska waxa qallinka ku duugay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan iyo Wakiilka Taiwan u fadhiya Hargeysa Amb Allen lou.

Taiwan ayaa Somaliland ka caawinaysa sidii hab dhijitaal ah loogu beddeli lahaa xogta xafiisyada dawladda, iyadoo hore ay gacan uga gaysatay in nidaamka xogta ee xafiisyada dawladda dhexe iyo kuwa dawladaha hoose loo beddelo dhijitaal.