Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqaya Urur-siyaasadeed cusub

Hargeysa  -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa shaaca ka qaaday inuu urur-siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi kaga dhawaaqi doono caasimadda Hargeysa maalinta Khamiista ee soo socota.

Wasiir Ataash oo maalmihii u dambeeyey kulamo is daba joog ah la yeelanayey aqoonyahannada, siyaasiyiinta, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ah oo uu kala tashanayey damaciisa furashada urur-siyaasadeed kadib, waxa uu go’aansaday inuu si rasmi ah u shaaciyo Urur-siyaasadeedkiisa Waaberi, maalinta Khamiista ee 31-bishan March.
Xafladda ku dhawaaqista urur-siyaasaddeedka cusub Waaberi, ayaa la filayaa inay ay ka qaybgeli doonaan dadweyne kala duwan oo ka kala imanaya gobollada dalka Somaliland.