Dr Edna Aadan oo loo doortay Madaxweynaha Golaha Guud ee UNPO

Golaha Guud ee UNPO oo ah madal caalami ah oo ku midoobeen dalalka adduunka ee aan haysan aqoonsiga, xaruntoodiisuna tahay magaalada Hague ee dalka Netherland, ayaa u doortay Dr.Edna Aadan in ay noqoto Madaxweynaha Golahaas.

Dr Edna Aadan oo ah aqoonyahanad reer Somaliland ah, guud ahaan dunidana si weyn looga yaqaan, ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horreysay ee madax ka noqota Golaha Guud ee UNPO.

Magacaabista Madaxweynaha Golaha UNPO ee Dr.Edna Aden, ayaa lagu tilmaamay inay tahay tallaabo weyn oo lagu maamuusay shacabka iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.