Dayactir qalabayn lagu sameeyey Madaarka Berbera

A: Dayactirka iyo Qalabaynta Terminal Cusub.

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo tixgalinaysa muhiimadda uu Madaarka Berbera u leeyahay dalka iyo dhammaan isu socodka qaaradda Africa, waxay ay dib u dayactir iyo ballaadhan ku samaysay, iyadoo kaashanaysa shirkadda “BIAC” oo laga leeyahay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo maalgeliyey casriyeynta Madaarka Berbera iyo teerminaalka oo ay dib u dhis iyo qalabayn ku samaysay qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarku sida qaybaha amniga, dhoofista, soo degista, laanta socdaalka, cashuuraha iyo adeegyada kale ee madaarku bixiyo.
Sidoo kale, waxay BIAC diyaarisay dhammaan adeegyada ay bixiyaan Madaarrada caalamiga oo kale, si uu ula jaan qaado Madaarrada caalamiga ah iyo kuwa geeskaba.
Ugu dambayn, Madaarka Berbera wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah garoomada ugu teerminaalka fiican Madaarrada Geeska Afrika.

B: Dhisidda Dhabbo Diyaaradeed iyo Lighting keedii.

Madaarka berbera wuxuu ka mid yahay Madaarrada ugu qadiimisan, isla markaana ugu dhabbada dheer dhammaan Africa marka laga tago dalka Masar, taas oo ay isticmaali jireen waddamada Ruushka iyo Maraykanku.
Hay’adda Duulista iyo BIAC waxay ku guulaysteen inay dib u dhis dhamaystiran ku sameeyaan dhabbadaas, si uu ula jaan qaado Madaarrada casriga ah ee dunidu isticmaasho, kaas oo dhererkiisu dhan yahay 4.1 KM oo dhinac walba u bannaan, sidoo kalena isticmaali karaan diyaaradaha ugu waawayn ee qaada xamuulka iyo rakaabkuba, taas oo uu mustaqbalka noqon doono Madaarrada ugu waawayn ee ku dherersan badda oo mid hub ah.
Waxa sidoo kale loo dhammaystiray dhammaan qalabka laydhka ee runwayga, kaas oo habeen iyo maalinba ay ku dagi karaan diyaaraduhu kana kici karaan iyo calaamadaha badqabka ee dhabbada.

Zayid Omar Abdilahi
Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland