Baladweyne: Al-shabaab oo shaaciyey magaca qofkii fuliyey qarax lagu dilay xildhibaan

Muqdisho  -(Berberanews)-Ururka Al-shabaab, ayaa markii ugu horreysay shaaciyey magaca iyo degaanka uu ka soo jeedo ninkii fuliyey qarax ìsmiidaamin ah oo lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tìrsanayd barlamaanka Soomaaliya magaalada Baledweyne toddobaadkan.

Al-shabaab, ayaa baraha bulshada ee taageera ku baahiyey cod dardaaran ah oo la sheegay in laga sii duubay nin magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdulqaadir (Abuu Sheyba), kaas oo ay xuseen inuu yahay qofkii fuliyey weerarkii is miidaaminta ahaa ee lagu khaarajiyey xildhibaan Aamina Maxamed, kadib qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Baledweyne horraantii toddobaadkan.
Al-shabaab ayaa xusay in ninkaasi yahay fuliyaha weerarkii koowaad oo ka dhacay xerada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne, kaas oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday haweenayda xildhibaanka ahayd.
Maxamuud Cabdulqaadir oo ah ninka isku qarxiyey xildhibaan Aamina, ayaa la sheegay inuu Al-shabaab ku biiray sannadkii 2016, dhalasho ahaanna ka soo jeeday degmada Baladxaawo ee Gobolka Bay,   sidoo kalena ka tirsanaa xoogagga ka dagaallami jiray degaannada Gobolka Mudug ee Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Al-shababab waxa lagu sheegay in ninka xildhibaan Aamina isku qarxiyey uu ka qaybqaatay dagaallo badan oo ka dhacay koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, isla markaana markii dambe go’aansaday in uu ku biiro waxay ugu yeedheen garabka istishhaadiga ama isqarxinta.