Madaxweynaha Jabuuti oo gaadhay Addis Ababa

Addis Ababa -(Berberanews)-Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mr Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa socdaal ku tegay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa maanta.
Madaxweyne Geelle waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed.
Hoggaamiyayaasha labada dal ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan arrimo khuseeya xidhiidhka dhinacyada badan leh ee ay wadaagaan Jabuuti iyo Itoobiya.

Sida ay sheegtay  Wakaaladda ENA, labada dal ayaa si dhow uga wada shaqaynaya sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa iska kaashanaya sidii loo xaqiijin lahaa faa’iidada labada dhinac ee dhinacyada tareenka, jidadka, biyaha, isgaadhsiinta, korontada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.