Faahfaahinta dagaal Khasaare badan sababay oo ilaa hadda ka socda Puntland

Boosaaso  -(Berberanews)- Inta la xaqiijiyey saddex askari iyo hal sarkaal oo ka tirsan Ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen  dagaal qadhaadh ilaa hadda ka socda oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidanka maamulkaas ku dhexmaraya buuraleyda degaanka  Af-urur ee Gobolka Bari.

Malleeyshiyaadka Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar hoobiyaal ku bilowday ku qaaday saldhig ciidanka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur, halkaas oo uu labada dhinac ku dhexmaray dagaal culus oo aan ilaa hadda lagu kala food qaadin, isla markaana sababay khasaare badan oo aan weli cad loo ogeyn.
Masuuliyiinta ciidammada Daraawiishta maamulka Puntland, ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare, ciidankoodana kaga dhinteen hal sarkaal iyo 3 askari oo kale.
Hase ahaatee, warar ka imanaya degaankaas, ayaa tibaaxay inuu jiro khasaare aad u ballaadhan oo dhinacyada ka soo gaadhay dagaalka u dhexeeya ciidanka maamul-goboleedka Puntland iyo malleeshiyada Al-shabaab oo la isku gabbal dhacsaday.

Berberanews.com