Xogo ku saabsan guulaha waaweyn ee ka dhashay safarkii weftiga Madaxweynaha Somaliland

Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykan markasta wuxuu taagnaa oo la inagu odhan jiray “haddaad doonaysaan inaad xidhiidh USA la yeelataan, Muqdisho soo mara markaasaynu wada xaajoonaynaa.” Xaaladdu halkaasay taagnayd 26 sano. Dadka madaxda ah ee aynu Washington kula kulmaynay marka laga reebo safarkii Silanyo, waxay ahaayeen dad maqaam hoose ah, mid aan inoo qalmin.
Aniga oo dhowr jeer la socda Wasiir Arrimo Dibadeed ayaa State Department ku nagu yidhaahdeen Muqdishu soo Mara. Taasoo markasta safarka weftiga ka dhigaysay mid aan waxba soo kordhin, Wasiirradu waxba may iska hagran ee nasiib darro USA ayaan arkayn wax dan ah oo ay Somaliland ka leeyihiin. Si badheedh ahna innoogu sheegaysay haddaad xidhiidh rabtaan la heshiiya Muqdisho oo Somalia ka mid noqda, taas ayaad wax ku helaysaane.
Waxa taas inoo dheeraa in la helo Xildhiban u dooda danta Somaliland waxay ahayd nearly impossible, dhinaca Wakiillada iyo Senate ka labadaba. Waxay odhan karaa anigu 7 dii sannadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland, waxa iigu cuslaa inaan helo qof dawladda USA dhinac uun kaga jira oo Somaliland taageeraya si furan.
Xataa Afar sanadood oo State Department ku yeeshay Dual Track policy, oo macnaheedu ahaa Somaliland toos baanu ula hadlaynaa, xiligii George Bush Jr, waxa keliya ee soo kordhay wuxu ahaa in aynu aragno Jendai Frazer oo ahayd Assistant Secretary for Africa. Markii Obama qabsaday ee Hillary noqotay Secretary of State iyadaa aqoonsatay dawladii Hassan Sheikh, wixii ka horreeyey ku meel gaadh bay ahaayeen, iyadaana joojisay Dual Track siyaasadeedkii markaa jiray. Waxaynu dib ugu soo noqonay siyaasaddii haddaad xidhiidh USA doonaysaan Muqdisho la heshiiya oo noo soo dhexmara.
Maxa maanta keentay isbeddelka ku yimi dawladda USA siyaasadeedii Somaliland. Dhowr waxyaabood baa ka masuul ah.
1- Nabadda Somaliland ku guulaysatay 30 sanno, iyo Somalia oo billions of dollars USA gelisay oo wali aan nabad gaadhin.
2- Demoqraadiyadda Somaliland gaadhay iyo Somalia oo USA taxpayer ku bixiyeen billions oo aan wali fari ka qodnayn.
3- Heshiiska aynu la galay Taiwan, waayo maanta USA waxay tartan aad u xun kula jirtaa China. USA waxay leedahay sharci odhanaya Taiwan asxaabteedu waa USA asxaabtooda waa in Maraykan caawiyaa saaxibada Taiwan.
4- Dawladda MBA oo muddo sannad iyo badh ku dhow siinaysay lacag dhan $25000 dollar bil kasta shirkad Somaliland uga ololaysa Washington DC. Shirkaddan oo keentay guusha aad maanta arkayso ee Waftigu keenay. Shirkaddan oo albaabo aad u badan u furtay wakiilkeenna iyo xafiiska Somaliland ee Washington DC.
5- Waxa afarta qodob ee sare ka muhiimsan, USA oo Somaliland ka dhex aragtay dantooda. Markii dawladda Djibouti ay China ka qaadatay lacag dayn ah oo billions ah, laguna dhisay laba dekedood oo cusub iyo wado tareen oo cusub, ka dibna Djibouti dayn tii bixin kari wayday oo maamulkii dekedaha cusub ku wareejisay China, ayaa waxa USA u caddaatay haddii berrito China ku yidhaa Madaxwayne Geele ka eri Djibouti ciidamada USA, in ay Djibouti ku odhan doonto USA naga baxa. Waayo maanta Djibouti ma laha awood ay daynka China iskaga bixiso. Markaa maanta USA waxay u baahan tahay haddii la eryo meeshii ay qaban lahayd. Waxay USA direen wefti culus oo ka kooban lixdan qof iyo diyaarad military oo yimi magaalada Berbera, qiimayna ku sameeyay Airport ka Berbera, Dekedda, iyo magaalada guud ahaan ba, warbixintii qiimayntu soo saartay wuxu noqday mid odhanaya Berbera ayaynu u guri karnaa haddii Djibouti laynaga eryo, balse waa in aynu Somaliland xidhiidh cusub la samaysano. Waxa kale oo Hargeysa yimi wafti ka kooban Shaqaalaha Golashaaya Congresska, kuwaas oo booqday Airport ka Berbera, Dekedda, lana kulmay dhammaan saamilayda siyaasadda Somaliland, waxay qiimaytoodii u gudbiyeen goloyaasha barlamaanka, taasoo taageertay qiimayntii Ciidammada. USA waxay isku qanciyeen in danta USA ku jirto inay xidhiidh saaxiibtimo oo macno leh la samaystaan Somaliland si ay dantooda u ilaashadaan.
Safarkii madaxwaynuhu wuxu soo hooyay in dawladda USA ku tidhi, iminka idin aqoonsan kari mayno, laakiin waxaan diyaar idiin la nahay inaynu wax wada qabsano, dhinac dhaqaale, ciidan nabadgelyo, ciidan military, caawimo toos ah oo la siiyo Somaliland, State Department ka oo diyaar u ah inay wax ka beddelaan digniintii ay siin jireen muwaaddiniintooda ee markii hore ahayd mid keliya oo ay imika diyaar u yihiin inay Somaliland iyo Somalia kala saaraan, inay diyaar u yihiin in USAID iyo World Bank toos Somaliland ula shaqeeyaan, inay diyaar u yihiin in laga wadahadlo sidii Banka Somaliland loogu xidhi lahaa International Finance Transactions ka (SWIFT System), iyo in USA Hargeysa xafiiska ka furato. USA oo wax walba diyaar u ah in laga wada hadlo, aqoonsiga mooyaane.
Waliba heshiiska State Department ka, Pentagon’s, iyo NSC (oo ah Whote House ku) waa gaar dhaqsona waa loo gudo gelayaa waqtiga dhow.
Laakiin waxa intaas dheer dhinacii kale ee golayaasha barlamaanka ayaa iyaguna si la mid ah waftiga u soo dhoweeyay, soona curiyay sharci cusub oo ay hordhigeen guddida Arrimaha Dibadda ee Senateka Maraykanka, kaas oo Dhammaan taageeraya wixii qolodii hore ka wada hadashay, walibana ku sii daraya in State Department ka, USAID, iyo Pentagon u soo diraan war bixin qeexaysa xidhiidhka ay Somaliland la lahaayeen 12 bilood ee la soo dhaafay iyo 12 bilood ee soo socda. Arrinkanu waa mid qaadanaya muddo dheer, waa in labada gole saxeexaan, ka dibna madaxwaynuhu saxeexo.
Waxa run xidhiidhkii USA ee dhulka inaga yiilay 30 sanadood in maanta safarka MBA gaadhsiiyay meel ku dhow halka ugu saraysa ee xidhiidh la gaadhsiin karo. Waana taas guusha safarka Madaxwayne MBA uu u sidaa shicibka Somaliland berito. Xidhiidhka wanaagsan wixii ka soo baxaa waxay ku xidhan tahay sida aynu uga faaiidaysano, iyo waxaynu qabsano.
Waxan kula talin lahaa in Shicibka Somaliland in ay berito muujiyaan in ay diyaar u yihiin xidhiidhka wanaagsan ee USA iyo Somaliland soo wada qaateen. Fadlan xasuusnaada qaylaydii dad badani ka sameeyeen heshiiskii DP World markii la galay iyo halka maanta ay marayso waxtarka DP World ay inoo leedahay. Berito ha la muujiyo in Shicibka Somaliland ka duwan yahay shicibka Muqdishu, diyaarna u yihiin wax wada qabsi iyo xidhiidh qoto dheer oo dhex mara USA iyo Somaliland.
Somaliland ha noolaato, Allah Mahad leh.
Qore: Dr. Rashid Garuf