Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo ka hadlay soo dhoweyntii weftiga Madaxweynaha

“Markay tuban tahay, iyo marka lala tago, waa tolleeyoo looma kala tago                                                  

Eebbe mahaddii saaka waxaan ka qayb galay soo dhaweyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi iyo waftigii la socday. Waftiga ballaadhan ee madaxweynuhu hoggaaminayey oo safar shaqo u tegay cariga Maraykanka, waxaan ku bogaadinayaa guulaha ay u soo hooyeen Qarankeena.

Subax waliba cayn leh, ee saaka waxay ahayd marka siyaasadda sibirta la is geliyo ee hal saf oo qudha la wada galo, isla markaana tunka iyo tagoogada nacabka loo buuro. Saaka  waxay ahayd, marka ninka reer miyiga ahi geela ugu heeso: Markay tuban tahay, iyo marka lala tago, waa toleeyoo looma kala tago.
Saaka oo kale, ninka rag ahi ma ambado, oo waxaa u kala soocan waxa la wada leeyahay iyo waxa la kala leeyahay.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidaa ku soo qoray bartiisa Facebook.