Xisbiga WADDANI oo shaaciyey inuu abaabulay kumannaan dhallinyaro ah mudaharaada

“Somaliland, waxaan la kulmay in ka badan 2000 dhallinyaro ah dhawrkii bilood ee u dambeeyey.  Waxaan ku faraxsanahay inaan arko inay diyaar u yihiin inay si nabad ah u difaacaan dimoqraadiyadooda haddii cid isku dayaan inay si xeeladaysan dib ugu dhigaan doorashada madaxtooyada.  In si nabad ah loo mudaharaado waa xuquuq dastuuri ah.” Sidaa waxa bartiisa Twitter-ka ku qoray Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mr. Khadar Xuseen Cabdi.