Madaxii Shirkadda Ethiopian Airlines oo iscasilay

Ethiopia-(Berberanews)-Madaxii fulinta ee shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde Gebremariam, ayaa iscasilay ka dib muddo badan oo uu hoggaaminayey isbedello, isla markaana uu shirkadda duulimaadyada ka dhigay mid caan ka ah caalamiya.

Mr Gebremariam ayaa go’aanka uu isku casilay ayaa ahaa inuu awood u yeesho inuu diiradda saaro caafimaadkiisa, maadaama lagu daweynayo xanuun aan la shaacin oo ku jira isbitaal ku yaalla Mareykanka.

Maamulaha guud ayaa sharaxay in dhakhaatiirtiisu ay kula taliyeen inuu hadda shaqada ka fadhiisto oo uu xoogga saaro bogsashada.

Wuxuu yidhi: “Marka la eego arrimaha caafimaadkayga iyo daawayntayda hadda ma awoodo inaan ku laabto xafiiska waqti dhow. Sidaa darteed, waxaan go’aansaday inaan goor hore ka fadhiisto shaqada oo aan diiradda saaro daaweyntayda. Codsigaygii is-casilaadda ee dawladda waa la aqbalay.
“Si wada jir ah, waxaanu leenahay (waxaan samaynay) taariikh tobankii sano ee la soo dhaafay, taas oo aan ka korinay shirkadda duulimaadka oo ka timid $ 1 bilyan oo doolar sannadkii ilaa $ 4.5 bilyan, 33 diyaaradood oo aan ka dhignay 130 diyaarad, (iyo) saddex milyan oo rakaab ah ilaa 12 milyan oo rakaab ah (ka hor. Covid), iyo guud ahaan shirkadda diyaaradaha waxaanu ku balaadhinnay afar laab dhammaan cabbirada.”

Mr Gebremariam waxa uu ka soo shaqeeyay Ethiopian Airlines 37 sano tan iyo markii uu ku soo biiray 1985. Laakin ilaa 2011 ma ahayn markii uu la wareegay xilka madaxa fulinta.

Mudadii 11-ka sano ahayd, waxa uu hogaaminayay diyaarada ay dawladu leedahay oo soo martay marxalad aad u muhiim ah oo isbedal wayn ku samaysay taaso keentay in xajmigoodu kordho 50 ilaa 130.

Ethiopian airline waxa ay sidoo kale si wayn u korodhay oo noqotay mid kaalin wayn ka qaadata isku socodka gudaha, gobolka iyo caalamkaba. Waqtigan xaadirka ah, waa diyaaradda ugu weyn Afrika.

Berberanews.com
Info@berberanews.com