Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin

Addis Ababa  -(Berberanews)-Dawladda Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin laga hirgeliyo Gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaas oo ay muddo sannad ka badan ka socdeen dagaallo ay ku dhinteen kumannaan qof, tiro kale oo intaas ka badanna ku dhaawacmeen.

War ka soo baxay xukuumadda Addis Ababa maanta, ayaa lagu sheegay go’aanka xabbad-joojinta colaadda Tigray.
Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Itoobiya ayaa in ka badan shan milyan oo qof ku qasbay in ay u baahdaan gargaar cunto, kaas oo aanay heli karin ilaa iyo bishii December.

Go’aanka dawladda Itoobiya ayaa imanaya kadib booqashadii wakiilka gaarka ah Maraykanka ee Geeska Africa, David Satterfield.
Maamulka Tigreyga ayaan ilaa hadda ka jawaabin xabbad-joojinta dawladda Itoobiya ku dhawaaqday.
Dagaalka Itoobiya ayaa qarxay bishii November ee 2020 kii, kadib muddo bilo ah oo ay jirtay xiisad siyaasadeed u dhexeysay dawladda Itoobiya iyo ururka TPLF oo xukumayey Gobolka Tigray.