Somalia oo dagaal ka gashay hadalkii Safiirka Qatar u fadhiya Ethiopia ka yidhi Somaliland

Muqdisho-( Berberanews)-Dawladda VillaSomalia ayaa jawaab cadho iyo dhaleecayn iskugu jirta ka bixisay qoraal uu Twitterka soo dhigay  safiirka Qadar u fadhiya dalka Itoobiya Xamad Al-Doosari oo uu ku sheegay inuu la kulmay ”safiirka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Axmed u fadhiya Itoobiya”.

Qoraalkan ayaa dhawr saacadood ka dib laga saaray barta uu safiirka Al-Dosari ku leeyahay Twitterka kadib markii ay oohin iyo calaacalba ka dhamaaday wasiirka khaarajiga Somalia .

Wasaaradda Arrimahan Debedda Somalia, ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku cambaaraynayso hadalkii Safiirka Qatar u jooga Addis Ababa bartiisa Twittetka kaga hadlay kulan uu la yeeshay Safiirka Somaliland, oo uu ku sheegay inay Somaliland dal tahay.

Qoraalkan ayaa dadka faaqida siyaasaddu ku tilmaameen mid ay dawladda Qadar ku maslaxanayso dawladda Somaliland kadib markay aragtay sida weyn ee dawladda Maraykanku usoo dhaweysay madaxweyne Muuse Biixi oo ilaa todobaadkan booqosho ku joogay caasimadda Maraykanka ee Washington halkaas oo ay dalkiisa uga soo qabsoomeen guulo waaweyn oo diblomaasiyadeed oo uu ka mid yahay iskaashi laba geesood ah oo dhawaan dhex mari doona Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan la akhriso qoraalka Somalia kasoo baxay.