Maraykanka oo ka hadlay xasuuqa Muslimiinta Burma

Myanmr-(Berberanews)-Maamulka Biden ayaa ku dhawaaqay in milatariga Myanmr xasuuqay shacabka Rohingya ee laga tirada badan yahay.

Maraykanka ayaa helay cadaymo muujinaya in si kas ah loo doonayo in la baabiiyo Rohingya waxaana ka mid ah cadaymayaa warbixino shegaya dilal, kufsi wadareedyo iyo guryo la gubay, sida uu Isniintii sheegay xoghayaha arimaha dibada Mareykanka, Antony Blinken.

Boqolaal kun oo qof oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa ka qaxay Myanmar tan iyo markii uu billowday hawlgalka milatari ee lagu begsanayaa sannadii 2017.

In ka badan 6,000 oo qof ayaa lagu dilay bishii u horaysay ee weerarku socday.

Isaga oo ka hadlayey taalada xuska xasuuqii dadka Yuhuudda ah ee Holocaust Memorial ee ku taal magaalada Washington DC, ayaa Blinken waxa uu ku tilmaamay weerarradaa lagu hayo Rohingy kuwa “baahsan oo dawladdu waddo”.

Wuxuu sheegay in maamulka dalkaas go’aankiisaas lagu ogaaday dabagal ay samaysay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka oo ay ka mid yihiin qoraallo ay soo ururiyeen ururada ay ka mid ka yihiin hay’ada xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International iyo Human Rights Watch iyo sidoo kale daraasaad madax banaan oo Maraykanku sameeyey.

Blinken ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku lacag hal milyan oo doolar ah ku bixinayo baadhitaanka madax banaan ee lagu hayo dhacdooyinkaa Myanmar ka dhcay oo lagaga gun gaadho xasuuqaas.

Dacwad ka dhan ah Myanmar oo sidoo kalena loo yaqaan Burma ayaa laga furay Maxkamadda Caddaaladda Aduunka sannadkii 2019.

“Waa la gaadhi doonaa maalinta kuwii ka masuulka ahaa falalkaa foosha xun lala xisaabtami lahaa ” ayuu yidhi Blinken.

Dawlad rayid ah ayaa talada haysay markii millatarigu bilaabay ololihiisa, laakiin 2021-kii milaterigu wuxuu xukunka kula wareegay afgambi. Blinken ayaa sheegay in tan iyo markii afgambigu dhacay ay ciidamadu sii wadaan adeegsiga xeeladahaas oo kale.

“Kuwa aan ku baraarugsanayn afgambiga ka hor, rabshadaha arxan darada ah ee ay wadaan ciidamadu tan iyo bishii Feeberweri 2021 waxay si cad u caddeeyeen in qof ku sugan Burma uusan ka nabadgeli doonin xadgudubyada inta uu xukunka hayo,” ayuu yidhi.

Rohingya oo ku dhawaad hal milyan oo qof ku sugnaa Myanmar ka hor inta aan la weerarin, ayaa ka mid ah qowmiyadaha tirada yar ee dalkaasi.

Muslimiinta Rohingya ayaa ah tirada ugu badan ee Muslimiinta Myanmar, iyadoo inta badan ay ku nool yihiin gobolka Rakhine.

Balse dowladda Myanmar oo ah dal ay u badan yihiin Buddhist-ku ayaa diiday dhalashada Rohingya oo ay xitaa ka saartay tirakoobkii 2014-kii, iyadoo diiday in ay u aqoonsato dad ahaan.

Markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu xilka la wareegay 14 bilood ka hor, ayaa Blinken wuxuu ballan qaaday inuu dib u eegis cusub ku sameyn doono arrintaa.

Laba baadhitaan oo hore oo Mareykan ah ayaa ku guuldareystay in wax natiijo ah laga gaadho

Xukunka xasuuqa si toos ah uma horseedayo in Mareykanku uu qaado tallaabo ciqaab ah, balse waxaa la rajeynayaa inuu cadaadis saaro ciidamada Myanmar.

“Waxay ku adkaynaysaa inay ku kacaan xad-gudubyo kale,” ayuu sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda u sheegay Reuters.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka militariga Myanmar.

@Bbc Somali