Khudbad Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Machadka Washington Institute for Near East Policy

Washington D.C -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad ka jeediyey Machadka Washington Institute for Near East Policy oo ka mid ah goobaha waxbarashada waaweyn ee ku yaal caasimadda dalka Maraykanka ee Washington D.C galabta.

Sida lagu sheegay lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyada Somaliland caawa, Machadka Washington Institute for Near East Policy ayaa Madaxweyne Biixi ku casuumay madal ballaadhan oo uu ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga warbixiyey xaaladda guud iyo guulaha dhinacyada kala duwan leh ee Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay muddo 31 sannood ah.
Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa maalintii 11aad socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka.


Ugu horreyn, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in farriinta ugu weyn ee ay gaadhsiiyeen Maraykanku ay ahayd sidii Somaliland caalamka uga heli lahayd aqoonsi.
Madaxweynuhu wuxuu sidaa ku sheegay khudbad uu maanta ka jeediyey Machadka Washington Institute for Near East Policy ee ku yaalla Washington oo lagu martiqaaday.


Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in hadafka ugu weyn ee Somaliland yahay aqoonsi, laakiin ay maamulka Biden iyo Congress-ka Maraykanka kala hadleen sidii Somaliland ay xidhiidh xoog leh ula yeelan lahayd Maraykanka.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay in horumarka Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe uu sii xoogaysanayo, isla markaana ay dalalka Imaaraadka, Turkiga, Iiraan, Qatar, Ruushka iyo Shiinuhu ay sii xoojinayaan joogitaankooda Bariga Afrika, iyadoo ay bateen saldhigyada millatari ee laga hirgeliyey Mandaqaddaas.
Waxa kaloo uu ku dooday inay lagama maarmaan tahay inay Jamhuuriyadda Somaliland doorkeeda ka qaadato ilaalinta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, maadaama uu xusay inay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 460 Mile, taasi oo ay iskeed u ilaaliso xeebta Badda Cas oo ay maraan badeecadaha ugu badan ee isaga gooshaya caalamka.
Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in dhibaatada ammaanka Badda Cas ay daneeyeyaashu si loo dhan yahay u xidhaan ilaalada xeebaha, taasi oo ay Somaliland-na doorkeeda ka qaadan doonto.
Madaxweyne Biixi wuxuu tilmaamay in bishii June ee la soo dhaafay ay Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World fureen teerminaalka cusub ee Kontiinarrada dekedda Berbera, taasi oo uu xusay inay dhammaystir u ahayd wejigii hore ee ballaadhinta iyo casriyeynta marsadaas.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu intaas ku daray in bishii October shirkadda DP World iyo Wakaaladda horumarinta maaliyadda ee Ingiriisku wadajir ugu dhawaaqeen inay maalgelinayaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee geeska Afrika oo ay jirto kaabbeyaal dhaqaale oo loo hirgelinayo Itoobiya iyo dalalka kale ee mandaqadda ee aan badda lahayd.
Madaxweynuhu wuxuu bayaamiyey inuu dawladda Maraykanka ku guubaabiyey inay xidhiidh toos ah oo macno leh la yeelato JSL oo ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada ammaanka, ka hortaga argagixisada iyo dhaqaalaha, waxaanu xusay inay ka xun yihiin xaaladda ka sii daraysa ee nabadgelyo iyo siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho, waxaanu caddeeyey in aanay Soomaaliya haysan wax sharciyad ah.
Ugu dambeyn Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xusay in qaraarkii Xildhibaannada Baarlamaanka Maraykanku ay soo jeediyeen ee la xidhiidhay “Sharciga iskaashiga Somaliland iyo Maraykanku” uu astaan u yahay iskaashiga labada dhinac.