Khasaara Weerar dad badan ku dhinteen oo Al-shabaab ku qaadday Madaarka Muqdisho

MUQDISHO —(Berberanews)-Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhinatay weerar kooxda Al-shabaab ku qaadeen garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho maanta.

Afhayeenka Booliska Muqdisho Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa VOA u sheegay in lixda qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaanib uu ku jiro askari ka tirsan ciidammada AMISOM.

Waxa uu sheegay in dadka dhintay ay sidoo kale ku jiraan tababarayaal ka caawiya dawladda ka-hortagga qaraxyada.
Goor sii horeysay booliisku waxay sheegeen in laba nin ay isku dayen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhow garoonka ee dhinaca albaabka Mariino, isla markaana ay booliska dileen.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegteen oo kale in maleehsiyaadkoodu ka dagaalamayeen gudaha garoonka ayna dab qabadsiiyeen meelo ka mid ah garoonka.
Sarkaal ka tirsan ddwladda Soomaaliya oo magacisia qariyey ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka gudbeen baraihii kontoroolka ayna gaareen goob ay ku yaallaan dukaamo ganacsi qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen.
Weriye ka tirsan idaacadda VOA ayaa soo sheegay inuu u jeeedo qiiq ka baxay meel ka mid ah garoonka.