Dagaal culus oo Alshabaab ku qaadday Madaarka Adan Cadde

Muqdisho-(Berberanews)-kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaasna waxaa ka socda rasaas ay is-weydaarsanayaan ciidanka ammaanka iyo kooxdu.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gudaha u galeen xerada Xalane, halkaasina ay hadda ka dagaallamayaan.

Dowladda Somalia, ayaa sheegtay in xaaladda amni darro ee dalka ay ku lug leeyihiin wadaammo shisheeye oo aanay carabaabin.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), ayaa yidhi “Markasta oo la bilaabo qorshaha la wareegidda amniga dalka waxaa weerar lagu ekeeyaa garoonka Aden Abdulle. Ma ahan wax qarsoona in ay jiraan dowlado diidan xasiloonida dalka”.

kooxda Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa ka gudbeen barihii kontoroolka ayna gaareen goob ay ku yaallaan dukaamo ganacsi, qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen

Lama ogga khasaaraha ka dhashay weerarka.

La soco wixii warar soo kordha