Nin falastiini ah oo affar qof toorray ku dilay dalka Israel

Istael-(Berberanews)-Nin Falastiini ah ayaa si xun loo toogtay ka dib markii sida la sheegay uu weerar tooreey ah ka geystay meel u dhow xarun laga dukaameysto oo ku taal magaalada Beer al-Sabe (Be’er Sheva) ee koonfurta Israa’iil, waxaana ku dhintay ugu yaraan afar qof labo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Ninka looga shakisan yahay in uu weerarka geystay ayay warbaahinta maxalliga ah ku sheegtay in lagu magacaabo Axmed al-Qiaan oo 33 jir ah, kaas oo ahaa macallin ka soo jeeda magaalada Hura ee gobolka Naqab (Negev), waxaana xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay in uu xidhiidh la leeyahay kooxda ISIL (ISIS). .

Waxaa toogtay qof wadada marayay oo ku sugnaa kaalin shidaal, booliska Israa’iil ayaa sheegay “Waxay u muuqatay in uu ahaa hal argagixiso oo ku kacay weerar toorey ah,” afhayeenka bilayska Eli Levy ayaa sidaas yidhi salaasadii, hadal uu siiyay TV-ga Channel 13.

“Nin rayid ah ayaa tallaabada qaaday oo toogtay oo dilay.”
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in saddex dumar ah iyo nin uu dilay qofka weerarka geystay, waxaana la sheegay in ugu yaraan labo qof oo kale ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu halis yahay.

Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay in booliska Israa’iil ay weerar ka fuliyeen Hura galinkii dambe ee salaasadii, iyagoo xidhay waddooyinka iyo agagaarka hoyga al-Qiaan.

Maxkamad ku taal Israel ayaa sanadkii 2015 ku xukuntay afar sano oo xadhig ah ka dib markii ay ku eedeysay inuu ka tirsan yahay ISIL.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada ammaanku ay “feejignaan sare ku jiraan”.

“Waxaan si adag uga hortagaynaa howlgallada argagixisada. Waxaan daba gal ku samayn doonaa, waana soo qaban doonnaa ciddii u gargaartay,” ayaa lagu yiri qoraalka.