Al-shabaab oo xaqiijiyey inay qaabileen Sheekh Aadan Sunne iyo qoyskiisa

Muqdisho -(Berberanews)-Kooxda Al-shabaab ayaa xaqiijiyey inay degaannada ay ka taliyaan ee dalka Soomaaliya ku soo dhoweeyeen Sheekh Aadan Sunne iyo qoyskiisa oo ka baxsaday dhowaan caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

War lagu faafiyey baraha internetka ee kooxda Al-shabaab maanta, ayaa lagu sheegay in ururkoodu magangalyo siiyey Sheekh Sunne iyo qoyskiisa, isla markaana uu dagaalyahannadooda kala qeybqaadan doono waxay ugu yeedheen fidinta dacwadda Diinta Islaamka.
Al-shabaab ma sheegin meesha uu ku sugan yahay wadaadka ka baxsaday Jamhuuriyadda Somaliland, balse waxay xuseen inuu socdaallo ku mari doono gobollada Soomaaliya ee xoogagga Al-shabaab maamulaan .
Sheekh Sunne oo dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa isaga iyo qoyskiisa u baxsadeen Soomaaliya. Wuxuu wareysi uu siiyay BBC Soomaali u sheegay inuu si rasmi ugu biiray Al-shabaab.
Sheekh Sunne ayaa dhowr jeer loogu xidhay Hargeysa tuhunno ku saabsan xidhiidhada qarsoonaa ee ka dhexeeyey kooxda Al-shabaab ee uu hadda ku biiray.