Sheekh Aadan Sunne oo caddeeyey inuu ku biiray Alshabaab

Muqdisho  -(Berberanews)-Sheekh Aadan Sunnne oo ah wadaad caan ah oo ka baxsaday caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa dhowaan, ayaa markii ugu horreysay caddeeyey inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Wadaadkan oo waayadan la isweydiinayey halka ay jaan iyo cidhib dhigeen isaga iyo qoyskiisa, ayaa wareysi khaas ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da maanta.
Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sunne) oo dhowaan ay masuuliyiinta Somaliland shaaciyeen inuu ka baxsaday magaalada Hargeysa oo uu degenaa, ayaa BBC-da u sheegay inuu ku sugan degaannada ay maamulaan kooxda Al-shabaab ee ku yaal gudaha Soomaaliya.

Waxa uu xaqiijiyey in uu ka soo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyey dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku hawlan dacwadda Islaamka iyo tarbiyadda Islaamka ay igaga timid carqalad xooggan oo ku wajahan hawshayda, taasoo igaga timid nidaamka ka jira meesha (Somaliland),” ayuu yidhi.

Sheekh Aadan Sunne, ayaa BBC-da u sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

“Hadda waxaan joogaa meel ka mid ah dalkaygii Soomaaliya, gaar ahaanna ku suntan qaybaha wilaayaadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaan dhex mushaaxayaa wilaayaadka 11-ka ah ee ay gacanta ku hayaan xaradaha Al-shabaab,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne.

Dhowaan ayey ahayd markii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay shaacisay in sheekha caanka ah uu ka baxsaday caasimadda Hargeysa oo uu deganaa, isla markaana tegay dhanka Soomaaliya.
Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Somaliland Md Cabdillaahi Xuseen Maxamed oo BBC la hadlay, ayaa xilligaas sheegay in weli ay wadaan baadhitaannada la xidhiidha baxsashada wadaadka haatan is caddeeyey inuu ku biiray kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.
“Warka aan hayno wuxuu sheegayaa in niman ay saaxiibbo yihiin oo Soomaaliya jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray inuu afhayeen u yahay uu u tegay..wararku waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay Gobolka Jubbadda Dhexe ee Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Sheekh Aadan Sunne ma wuxuu doontay hoggaanka Al-shabaab?

Waxa la isla dhexmarayey in wadaadka ka baxsaday Somaliland uu degaannada Al-shabaab maamulaan ee dalka Soomaaliya u tegay si uu u qabto xilka madaxtinimada kooxdaas.
Isaga qudhiisa ayaan weydiinnay isla su’aashaas. Inkastoo uu beeniyey jiritaanka wararkaas, haddana gebi ahaanba meesha kama uu saarin inuu Al-shabaab hoggaanka u qaban karo.
“Arrintaasi waa male-awaal. Anigu cidna lama wadaagin eray noocaas oo kale ah, hadday dadku laabteyda waxa ka guuxaya male-awaalayaanna xaq uma laha oo laabteyda waxa ku jira Alle oo keliya ayaa og. Laakiin anigu waxaan kuu sheegayaa wixii masuuliyad diimeed ah ee i qabsada ee laasim igu noqda anigoo diyaar u ah oo Alle ugu dhowaanaya, haddana ma jecli madaxnimo,” ayuu yidhi.
Sheekh Sunne, ayaa dhanka kale xaqiijiyey inuu dhammaan xubnaha qoyskiisa soo kaxeystay, ehelkiisa oo dhanna ay la joogaan meesha uu joogo.

BBC-da ayaa Sheekh Aadan Sunne weydiisay halka uu soo maray markii uu ka cararay Somaliland, laakiin wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinkaas.
Hore ayaa Sheekhan marar kala duwan loogu xidhay gudaha Somaliland, balse waxa uu hadda sheegay in aannu ku kalsoonayn hannaanka garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sheekhan ayaa lagu yaqaannaa in uu muxaadarooyinkiisa ku daro tixo gabayo ah oo uu ku sheego qaybo ka mid ah hadalladiisa