Saylici oo kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta hay’adaha amniga Somaliland

Hargeysa – Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan xasaasi ah albaabadu u xidhnaayeen la qaatay masuuliyiinta kala duwan laamaha dawladda, kadib cabashada muddooyinkii ugu dambeeyey ka soo yeedhayey qaar ka mid ah shacabka oo ka qaylinaya koox dhallinyaro hubaysan ah oo dadka habeenkii jidh-dil ugu geysta caasimadda Hargeysa.
Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Saylici, ayaa warar rasmi ah xaqiijiyeen inuu gelinkii hore ee Axaddii shalay kulan xidhan xafiiskiisa kula kulmay masuuliyiinta hay’adaha ammaanka ee qaranka si uu xog waraysi ugala yeesho xaaladda cabashada ah ee qaar ka mid ah muwaaddiniinta ka soo yeedhaysa, iyada oo habeen hore laba weriye oo ka tirsan warbaahinta Somaliland ay koox hubaysan oo dhallinyaro ah xaafadda Jigjigayar jidh-dil iyo tacadiyo kale ugu gaysteen, taasi oo la sheegay in ay Madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta laamaha Amnigu iska waraysteen.
Ilaha xog-ogaalka ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland warbixinno kala duwan ka dhagaystay saraakiisha kala duwanaa ee ka kala socday laamaha ammaanka sida Waaxda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Booliska, qaybta Dambi-baadhista, Sirdoonka Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee ku shaqada leh amniga, kuwaas oo Madaxweyne ku xigeenka uga xog warramay xaaladda ammaan ee qaranka iyo gaar ahaan kiisaska noocan ah ee hadal hayntoodu badan tahay, lamana oga waxa ay labada dhinac isla qaateen ilaa hadda.
Dhowaan ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo tibaaxaya koox dhallinyaro ah oo ubaysan kuwaasi oo aan si rasmi ah qaybaha ay ka tirsan yihiin loo ogayn, kuwaasi oo dadka qaar ku cawdeen in ay garaacis iyo tacaddiyo xadhigu ka mid yahay ay hore ugu gaysteen walina aanay xukuumaddu ka hadal si faahfaahsanna uga soo saarin xogo dhammays tiran iyada oo cabashada kooxdan laga muujiyey soo noqnoqonaysay muddooyinkii damve si weynna loogu hadal hayay Baraha Bulshada.
Wariyayaasha kala ah Cali Mahdi Jibriil iyo Cabdisalaan Jarmani ayaa habeen hore sheegay in jidh-dil loogu gaystay agagaarka Huteelka Summer Time, Xaafadda Jigjigayar ee caasimadda Hargeysa, iyaga oo sheegay in gaadhigii ay wateenna si xun loo burburiyey iyagana la jidh-dilay, gaar ahaan weriye Cabdisalaan Jarmani oo horena sidan oo kale u sheegay in afduub iyo garaacis loogu geystay, muddo saacado ahna guri aannu garanayn lagu xidhay.