Safiirka Qatar u fadhiya Itoobiya oo qaabilay dhiggiisa Somaliland u jooga Addis Ababa

Addis Ababa-(Berberanews)-Safiirka Somaliland u fadhiya Addis Ababa oo ka hadlay kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Qatar, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi; “Farxad ayay ii ahayd in aan kulan midho-dhal ah la qaatay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika Amb. Hamad Mohamed Al-Dosari, annagoo ka wada hadalnay danaha labada dawladood ee Somaliland iyo Qatar iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dawladdood.
Somaliland waxay markasta diyaar u tahay in qadiyaddeeda ay gaadhsiiso dal kasta oo dunida ah, waana dedaalkayaga koowaad ka dawlad ahaan.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com