Maraykankanka oo cunaqabatayn kusoo rogay Sudan

Sudan-(Berberanews)-Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay booliska dhexe keydka ee Suudaan, isagoo ku eedeeyay inay awood xad dhaaf ah u adeegsatay dibadbaxayaal nabadeed oo ka soo horjeeda afgambigii militari ee bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii ku sheegtay in booliska keydka dhexe, oo ah qeyb aad u hubeysan oo ka tirsan ciidamada booliiska Suudaan, ay hormuud ka ahaayeen “jawaabta gacan ka hadalka ah” ee ciidamada ammaanka Suudaan ay ka bixiyeen dibadbaxyada nabadeed ee Khartoum.

Iyaga oo tilmaamaya hal maalin oo ka mid ah bisha January, waxa ay kooxda ku eedaysay in ay ridayeen rasaas nool nooloo ay weheliyaan bilayska ka hortagga rabshadaha iyo bilayska caadiga ah, baacsiga mudaaharaadayaasha oo isku dayayey in ay baxsadaan, qaarna xidh-xidheen oo garaaceen, iyo in ay si badheedh ah u toogteen laba midna ay dhaawaceen.

“Tan iyo 25kii Oktoobar oo ay militariga la wareegeen, booliiska dhexe ee Sudan waxa ay isticmaaleen awood xad dhaaf ah iyo rabshado loogu talagalay in lagu aamusiyo dadka rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa iyo mudaaharaadayaasha,” ku xigeenka xoghayaha maaliyadda ee argagixisada iyo sirdoonka maaliyadda, Brian Nelson, ayaa ku yidhi bayaanka.

“Waxaan ku dhaleecaynaynaa laamaha ammaanka ee Suudaan dilka, dhibaataynta, iyo cabsi gelinta muwaadiniinta Suudaan.”