Madaxweynaha Somaliland oo bixiyay waraysi-dhegayso

WASHINGTON—(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal hawleed ku jooga dalkan Maraykanka, ayaa xaflad xalay ka dhacday magaalada Arlington ee gobolka Virginia ee duleedka Washington DC kula hadlay dadweynaha Somaliland oo iskaga kala yimi gobolada Maraykanka iyo dalka Canada.

Waraysi uu madaxweyne Biixi laanta Af Soomaliga ee VOA siiyay kahor munaasibadaasi ayuu ku sheegay inay Maraykanka in badan ka wada hadleen sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen.

Waraysiga oo uu la yeeshay Cabdixakin Maxamuud Shirwac ayuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka Taiwan, wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland; iyo in Itoobiya iyo Somaliland ay ka wada hadleen dekeda Saylac iyo waliba qodobo kale oo qodista shidaalka Somaliland uu ka mid yahay.

Waxaa uu qaybtan uu ku billaabayaa wixii uga suurto-galay kulamadii ay yeesheen intii ay Maraykanka joogeen. Wuxuu sidoo kale ka hadlayaa saamaynta Shiinaha ee xidhiidha Taiwan, inay Somaliland diyaar u tahay inay bixiso saldhig milatari iyo waliba qodobo kale, waxaana uu ku billaabayaa muhiimada istaraatijiyadeed ee Somaliland.

Halkan ka dhegayso

Waraysiga Madaxweynaha Somaliland