Washington -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay xidhiidh wanaagsan oo dalkiisu la yeesho Shiinaha, balse aanu Shiinuhu xaq u lahayn inuu Somaliland ugu cadhoodo xidhiidhka u dhexeeya Taiwan.
Sidaa waxa uu ku sheegay Madaxweyne Biixi waraysi dhinacyo badan wax lagaga weydiiyey oo uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, isagoo ku sugan magaalada Washington D.C ee caasimadda dalka Maraykanka oo uu socdaal ku joogo haatan.
Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyey su’aal ku saabsan in Shiinuhu saamayn ku yeelayn karo ololaha qaddiyadda aqoonsi-raadiska Somaliland, kadib cadhada uu ka qaaday xidhiidhka Taiwan, waxa uu ku jawaabay, “Shiinuhu in uu annaga noo cadhoodo xaq nooguma laha. Dal madaxbannaan oo cidda ay doonaan xidhiidh la yeelanaya ayaannu nahay, markaa ha noo cadhoodo haddii aannu isaga wax yeelay, laakiin haddii aanaan waxbaba isyeelin cadhadaas gar uma arko.”
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray in Somaliland diyaar u tahay inay xidhiidh fiican la yeelato Shiinaha, si la mid ah midka u dhexeeya Taiwan.
“Diyaar ayaannu u nahay in aannu Shiinaha xidhiidh wanaagsan la yeelanno. Annagu Taiwan ma aanaan geyn Jimciyada Quruumaha ka Dhexaysa. Haddii aannu annagu ictiraaf hayno, annagaa ayaa is ictiraafi lahayn, markaa Shiinuhu isna waa noo baahan yahay, annaguna waannu u baahanahay, in uu xidhiidhkayagu wanaagsanaadana waannu jecelnahay.”
“Wax dhibaato ah uma hayno Shiinaha, isagana sidaa si le’eg ayaannu ka rajaynaynaa. Sidaa aannu Taiwan ula xidhiidhnay ayuun baannu isagana in uu xidhiidhkayagu wanaagsanaado u jecelnahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynaha Somaliland.
Xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha ayaa xumaaday kadib markii Hargeysa xidhiidhka la yeelatay Jasiiradda Taiwan oo uu Shiinuhu aaminsan yahay in ay tahay qayb dhulkiisa ka mid ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Maraykanka, waxaannu waaweyn oo muhiimad gaar u leh Somaliland la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Washington, xildhibaanno ka kala socday goleyaasha Congresska iyo Senetka, siyaasiyiin iyo aqoonyanno caalami ah iyo weliba jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Woqooyiga Ameerika.
Berberanews.com