Congress-ka Maraykanka oo la horgeeyey hindise-sharciyeed kale oo ku saabsan Aqoonsiga Somaliland

Washington -(Berberanews)-Sida lagu daabacay barta rasmiga ah ee Aqalka Congress-ka Maraykanka, Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibedda, ayaa u gudbiyey golahooda hindise-sharciyeed ku saabsan in Washington dal madaxbannaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Hindise-sharciyeedka xildhibaannadu ku dalbanayaan in Maraykanku aqoonsado Somaliland, ayaa la filayaa in Aqalka Congressku u codeeyo  maalmaha soo socda.
Hindise-sharciyeedka cusub ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland, ayaa noqonaya mooshinkii labaad goleyaasha Baarlamaanka Maraykanku ka soo saaraan wax-ka-beddel aad u ballaadhan oo lagu sameeyey siyaasaddii hore ee xukuumadda Washington kula dhaqmi jirtay Jamhuuriyadda Somaliland muddo toddobaad gudihii ah, kadib kulamo waaweyn oo masuuliyiinta Ameerikaanku la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka ku jooga dalkaas.

Berberanews.com
Info@berberanews.com