China: Diyaarad siday 132 qof oo ku burburtay buuraha Guangxi

China-(Berberanews)-Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay saarnaayeen 132 qof ayaa ku burburtay buur kayn ah oo ku taal koonfurta dalka Shiinaha.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa China Eastern Airlines Boeing 737-800 ayaa kasoo duushay Kunming kuna wajahneyd Guangzhou markii ay ku dhacday dhulka gobolka Guangxi kadibna uu dab qabsaday.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed iyo sababta ka dambeysa. Samatabbixiyeyaashu ma arag calaamado badbaado.

Duulimaadyada Shiinaha guud ahaan waxay leeyihiin rikoodh wanaagsan oo badbaado – shilkii ugu weynaa wuxuu dhacay 12 sano ka hor.

Shilkan diyaaradeed ayaa argagax ka dhaliyay dalka Shiinaha, iyadoo madaxweyne Xi Jinping uu amray in baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo si loo ogaado sababta keentay.

Shirkadda Shiinaha ee Eastern Airlines ayaa joojisay dhammaan diyaaradaha sumadoodu tahay 737-800.

Xogta dabagalka duulimaadka ayaa soo jeedisay in diyaarada ay si degdeg ah uga luntay joogeeda sare ka hor inta aanau dhulka ku dhicin.

In ka badan 600 oo gurmad ah ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin goobta shilku ka dhacay. Gaadiidka dab damiska ayaa markii hore goobta gaadhay, waxaana ay ku guuleysteen inay damiyaan dab ka kacay buurahaasi oo ka dhashay shilka.

Muuqaalo ay qaadeen dadka tuulada ku nool oo lagu faafiyay baraha bulshada ee Shiinaha -iyo weriyeyaasha dowladda – ayaa muujinaya dab iyo qaac ka dhashay shilkan diyaaradeed oo dhulka yaalla.
Berberanews.com