Weerarro baahsan oo lagu qaaday goobo xasaasi ah oo ku yaal Sucuudiga

RIyadh —(Berberanews)-Xuutiyiinta Yemen, ayaa weerarro baahsan oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drone la beegsaday goobo muhiim ah ay ku jiraan xarumo laga soo saaro shidaalka iyo  qaar lagu nadiifiyo oo ku yaal dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, sida ay ku warrameen warbaahinta dalkaasi maanta.
“Weerarradu ma aanay sababin wax khasaare ah, balse waxay waxyeelleyeen baabuur shacab iyo guryo,” ayey yidhaahdeen xulufada millatari ee Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen.
Duqeymaha ayaa yimi, iyada oo shirkadda Sucuudigu ee Aramco ay maanta ku dhowaaqday in macaashkeeda sannadkii 2021 uu sare u kacay 124%, oo uu gaadhay 110 bilyan oo dollar.
Shirkadda Aramco ayaa warbixinteeda dakhli sii daysay toddobaadyo kadib markii uu bilowday duullaanka Ruushka ee Ukraine, kaas oo gilgilay suuqyada shidaalka ee caalamka, sarena u qaaday qiimaha.
Yehia Sarie, oo ah Afhayeenka Xuutiyiinta ay taageerto Iran, ayaa sheegay inay hawlgal millatari oo baaxad weyn ku qaadeen badhamaha Sucuudiga Carabiya, maanta oo Axadda ah, iyaga oo gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo bambooyin laga buuxiyey la dhacay goobo ay leedahay Aramco iyo bartilmaameedyo kale xasaasi ah oo ku yaal dalkaas.
Waxa uu weerarka ku qeexay mid lagaga aargudanayey “gardarrada iyo xanibaadda” Sucuudigu hormoodka u yahay ee ka dhanka ah Yemen.
Xulufada Sucuudigu hoggaamiyo, ayaa sheegay in weerarrada cirka ee Xuutiyiinta lagu bartilmaameedsaday goobo kala duwan oo ka mid yihiin; warshad gaasta lagu sifeeyo oo shirkadda shidaalka Sucuudiga ee Aramco ku leedahay dekedda magaalada Yanbuc ee Badda Cas.
Sidoo kale, waxa weerarrada lala beegsaday xarun korontada laga dhaliyo oo ku taal koonfurta galbeed ee dalkaas, warshad gaasta lagu nadiifiyo oo ku taalla magaalada dekedda leh Al-Shaqeeq oo ku teedsan Badda Cas, xarun ay shirkadda Aramco ku leedahay magaalada xuduudda koonfureed ee Jizan iyo xarun gaaska lagu iibiyo oo ku taalla magaalada Khamis Mushait.
Ma cadda weli heerka waxyeellada weerarradaasi gaadhsiiyeen xarumaha kaabbayaasha dhaqaalaha iyo tamarta dalka Sucuudi Carabiya.
“Ma jiraan wax dhimasho ama dhaawacyo ah, mana jiraan saamayn weerarradani ku yeesheen in shirkaddu badeecaddeeda gaadhsiiso macaamiisheeda.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Aramco, Amin H. Nasser.
Weerarada ayaa yimi maalmo, kadib markii Golaha Iskaashiga Khaliijka uu dhinacyada ku dagaallamaya Yemen ku martiqaaday wada-hadallo ka dhacaya Riyadh oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, balse casuumaddaas waxa ku gacan-saydhay Xuutiyiinta, iyagoo dalbaday in wadahadalladu ka dhacaan dal aan Sucuudiga ahayn oo dhexdhexaad ah.
AP.