SOMALILAND OO LAGU DARAY SUUQA PROSPER AFRIKA

Somaliland ayaa lagu daray suuqa Prosper Africa.Prosper Africa, waxa uu u sahli doonaa Somaliland in alaabta Maraykanka la keeno Somaliland, laga iibsado alaabta ama cuntada Somaliland ay doonayso in ay iibiso, laga taageero suuqa xorta ah.Prosper Africa waxa ay xoojisaa ganacsiga, waxa ay abuurtaa shaqooyin, waxana ay horseedaa kobaca dhaqaalaha, iyada oo u sahasha dadka in uu gaadho macaashka soo gala.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa ku tilmaamay guul lama filaan ah in Somaliland loo ogolaado in ay ku biirto Prosper Afrika.Prosper Afrika ayaa ku shaqaysa lacag ah USD$ toban bilyan oo doolar.

Sidoo kale, Prosper Africa ayaa waxa ay u sahli doontaa in ay Somaliland ku biirto Baanka SWiFT, oo ah Nidaamka Bangiyada Caalamiga Ah ku shaqeeyaan.Sidoo kale, Prosper Africa, ayaa waxa ay u ogolaanaysaa Somaliland in ay soo jiidato maalgashadayaal caalami ah.

Dhinaca kale, wey adkaanaysaa in loo ogolaado Somaliland, in ay hesho dhamaan adeegyada ay bixiyaan Prosper Africa, maxaa yeelay inta badan, wadamada loo ogolaado Prosper Africa, ayaa dayn ka hela IMF, iyo Baanka Aduunka haseyeeshee, Somaliland ayaan dayn ka heli karin IMF iyo Baanka Aduunka, ilaa markaas ay Somaliland ay hesho ictiraafka ay raadinayso.

Wakhtigan ayaa 30wadan oo Afrikaan ah ay ka faa’iidaystaan suuqa ganacsiga Prosper Africa.

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi, oo u khudbadaynayay boqolaal dadweynaha reer Somaliland, isaga oo jooga Washington D.C ayaa sheegay in dawlada Maraykanka ay u sheegeen hadalka ah:

” Waanu idiin baahanahay, anagana waad noo baahantihiin, ee wax aan wada qabsano”.

Kadib markii Madaxweyne Bihi, uu sheegay go’aanka Maraykanka, ayaa dadweynaha fadhiyey madasha, ay sacab kaga jawaab celiyeen khudbadda Madaxweyne Bihi.