Hargeysa -(Berberanews)-Guddoomiyaha Dalladda SONSAF
Anwar Warsame ayaa bajkiisa soo dhigay in gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Axsaabta qaranka Somaliland
kulan ay wada qaateen ay kaga wadahadleen sida ay ugu diyaargaroobeen hawlaha qaran ee ay u xilsaaran yihiin.
Qoraalka guddoomiye Anwar kaga hadlay kulankan dhexmaray Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo dalladda SONSAF, waxa uu u dhignaa sidan:
Waxa aan maanta kulan la yeeshay Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa ay Guddidu nooga warrameen qorshayaashooda iyo sida ay ugu diyaargaroobayaan hawlaha qaran ee xeerku ku waajibiyay.
Aniga oo ka wakiil ah Dalladda guud ee Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa aan Guddida u ballanqaaday in aannu si dhaw ula shaqayn doonno, isla markaana ka taageeri doonno sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran, marka Golaha Wakiilladu ansixiyaan ee uu dhammaystirimo sharcinimadoodu.
Waxa aan guddida ku ammaanayaa niyad wanaagga ka muuqday iyo sida ay ugu heellan yihiin gudashada waajibaadkooda qaran.