Maraykanka oo sheegay in Soomaaliya ka diiday Shiinaha saldhig millateri uu ka codsaday

Jabuuti – (Berberanews)-Taliyaha ciiddanka Maraykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya u xaqiijisay in aanay oggolaan doonin in Shiinuhu saldhig millatari ka samaysto dalkeeda.

Gen. Townsend oo wareysi siiyey weriyaha VOA u qaabilsan Pantegon Carla Babb, ayaa sheegay in Shiinuhu kala hadlay dawladda Soomaaliya saldhigga milateri iyo arrimo kale.

Jeneraal Townsend wuxuu sheegay in maamulka Muqdisho u sheegay Shiinaha in aanay oggolaan doonin inuu saldhig millatari ka sameysto gudaha Soomaaliya.

Shiinaha ayaa saaxiib dhow la ah dawladda Soomaaliya, wuxuuna ku wareejiyey shalay qalab millatari oo caawiya dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Shiinaha ayaa doonaya in uu ballaadhiyo saldhigyada ciidan ee uu ku leeyahay meelo ka baxsan Jabuuti oo ku yaalla xeebaha Geeska Afrika.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey Shiinaha inuu guranayo kheyraadka macdanka Afrika, isagoo u maraya saldhigyo millatari uu ka sameysto gudaha qaaradda madow.

Warbixinnada sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in Shiinuhu qorsheynayo inuu saldhiggii ugu horreeyey ee millatari oo joogto ah ka sameysto Badweynta Atlaantiga ee dalka badhtamaha Afrika ee Equatorial Guinea.