Ma jiro xildhibaan booyaddo bixin karaa

Aduunyadda waxaa la isla qaatey mabda’ loo yaqaano daah-furnaanta ( transparency) mabda’aasna waxaa shuruudihiisa ka midda in qof walba mushaharkiisa la yaqaano , sidaa darteed inagoo mabda’aas ka duulayna waxaynu ka bilaabaynaa mushaharka golaha wakiiladda  .

Mushaharka golaha wakiiladdu isugayn guud waa 2200 $ ( laba kun iyo laba boqol oo doolar ) , lacagtaas na hadii loo eego qiimaha lawdhka biyaha ah oo u dhaxeeya 300 ilaa 500 , oo doolar waa la iska garan karaa waxa ka go i karaya .

Sidaa markey tahey ma jirrp xildhibaan 20 booyadood ama 50 booyadood bixin karaa , sidaa darteed waxaa haboon in xildhibaan waliba sheego halkuu ka keeney booyadaha oo anigu aan ugu horeeyee dadka ayaan ka uruuriyay , hadii kale xaalku wuxuu noqonayaa caanaha ninka soo lisey aan ogahey ninkii doonaa ha siddo .

Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje