Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka

Washington  -(Berberanews)-Koox xildhibaanno sare oo ka tirsan Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka, ayaa soo bandhigay xeer cusub oo ku amraya xukuumadda Washington inay xidhiidh iskaashi oo toos ah la yeelato waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Senatarrada Maraykanka ee Jim Risch oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda, Chris Van Hollen iyo Mike Rounds oo ka mid ah Guddi-hoosaadka Afrika, ayaa soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland, kaas oo jidaynaya in Wasaaradda Arrimaha Dibeddu warbixin ka siiso Golaha la macaamilka Somaliland.
Senetarradan ayaa sidoo kale soo gudbiyey in iyada oo lala tashanayo Wasiirka Difaaca la sameeyo daraasad ku saabsan sidii loo samayn lahaa xidhiidh iskaashi oo dhexmara Maraykanka iyo Somaliland.

“Maraykanku wuxuu ahaan doonaa saaxiibka joogtada ah ee dadka Soomaaliyeed iyo dawladda federaalka ah, laakiin maamulka Biden waxa uu ku soo koobay siyaasadda ‘Soomaaliya mid ah,’ taas oo wax u dhimaysa dhinacyada kale ee dimoqraadiga ah ee dalka,” ayuu yidhi Risch.

“Waqtigan adag ee arrimaha caalamiga ah iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xidhiidhada suurtogalka ah ee faa’iidada u leh labada dhinac, , oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed oo duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn xallinta caqabadaha maanta taagan.”
Sidoo kale, Chris Van Hollen oo ka mid ah senetarrada soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland, ayaa isna sheegay, “Iyadoo Geeska Afrika uu wajahayo xaalad deggenaan la’aan ah, in kor-u-qaadista iskaashiga aan la leenahay kuwa gobolka ee qiimeeya maamulka dimoqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah ayaa fure u ah horumarinta danaha Mareykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka iyo taageeridda ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

Senetor Chris Van Hollen oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas u daray, “Muddo tobannaan sanno ah waxay Somaliland caddaysay in ay tahay degaan xasilloon, dimoqraadiyad horumarsan, iyadoo isla markaana ku dhex jirta bad colaadeed.”

Van Hollen ayaa intaas ku daray in taas tahay sababta loo kordhinayo fursadaha la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ee ay macnaha u yeelanayso “Sharcigayagu waxa uu gacan ka geysan doonaa hubinta in Maraykanku uu sahamiyo fursadaha waaweyn ee xidhiidhkan faa’iidada leh,” ayuu yidhi xildhibaan Van Hollen.