Soomaaliya: Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka

Muqdisho  -(Berberanews)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u sharraxan xilka Madaxweynenimada ee dalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyey caawa waxa uu kaga hadlay xidhiidhka iyo heshiisyada iskaashi ee ay dawladda Maraykanku la saxeexatay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo saamaynta uu ku yeelan karo mustaqbalka Soomaaliya.
“Maraykanku waxay sheegeen in ay dan qaran oo weyn ka leeyihiin Somaliland. Waxay soo saareen xeer ay ku doonayaan in ay heshiis iskaashi amni iyo wax wada qabsi la yeeshaan Somaliland, iyaga oo aan aqoonsan. Danta ayey ku soo koobeen afar qodob oo kala ah:
1- Ilaalinta danta Maraykanka iyo xulafadiisa ee marin-badeedka Bab-el-Mandeb iyo dekedda Berbera.
2- In ay noqoto albaab-badeedka uu ka gelayo Bariga Afrika.

3- In laga hortago joogntaanka Iiraan ee Gacanka Cadan iyo awoodda Shiinaha ee gobolka ku xoogaysanaysa.

4-  Xaqiijinta ujeeddadii ahayd la dagaallanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish.

Ka sokow, in la bogaadiyey nabadda, iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, waxay ka marag kaceen in ay dimoqoraadiyad ka jirto, doorasho nabad ah talada dalka kula kala wareegeen.

Halka ay ku tilmaameen in Soomaaliya inteeda kale ay ka socoto doorasho lagu takrifalayo, nabadgelyo aan la isku hallayn karin iyo xasillooni-darro.

Loollanka quwadaha shisheeye ee la xidhiidha danaha juqraafi siyaasadeed (Geopolitical Intrest) waa kuwo xasaasi ah oo u baahan ka fiirsasho iyo go’aano dheellitiran oo dhinacyo badan laga eegay.

Waxa taas lagu gaadhi karaa yagleelidda hay’ado ilaalin kara amniga qaran iyo hoggaan aan gebi dhaclayn oo fiiro dheer iyo fogaan aragba leh.

Somaliand waxay wax badan kaga xidhan yihiin sida ay ugu lib keenaan doorashooyinka soo socda, Soomaaliyana hoggaanka ka yimaada doorashada dhowaan dhici doonta, iyo sida ay labadaasi iskula jaanqaadaan waxay wax badan ka tari doontaa danaha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yidhi qoraalkiisa Mr. Cabdishakuur.