Shiinaha oo qalab millatari ku wareejiyey Soomaaliya iyo Somaliland oo ka hadashay

Muqdisho – Dawladda Shiinaha, ayaa kaalmo millatari oo isugu jirta gaadiidka dagaalka iyo agab kale oo ciidan ku wareejisay xukuumadda dalka Soomaaliya maanta.
Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya Ambassador Fei Shengchao oo kaalmada millatari ku wareejiyey masuuliyiinta ciidammada dawladda Soomaaliya, ayaa sheegay in deeqdan dawladda iyo shacabka dalkiisu ugu talogaleen in lagu xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.
“Deeqdan waxa aan ugu talogalnay in ciidammada Soomaaliya kaga qayb qaataan masuuliyadda sugidda amniga dalkooda. Sida aad aragtaan gaadiidkan ciidan waa qaar muhiim u ah oo caawinaya ciidammada Soomaaliya sida aan aaminsanahay,” ayuu yidhi Danjire Fei oo ka hadlay xafladda lagula kala wareegay kaalmada ciidan ee Shiinuhu siiyey maamulka Farmaajo oo ka dhacday magaalada Muqdisho gelinkii hore ee Jimcaha maanta.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mr Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in gaadiidka iyo agabka lagu wareejiyey lagu soo beegay waqti si weyn loogu baahan yahay, isagoo xusay in Shiinuhu ka gacan-siiyo Soomaaliya waxyaabo badan oo muhiim ah.
“Waxaan maanta halkan kula wareegaynaa agab iyo gaadiid millatari ay noogu deeqday dawladda Shiinaha oo xidhiidh qoto dheer naga dhexeeyey oo in muddo ah maqnaa, balse sannadihii dambe dib u soo laabtay. Kaalmadani waxa ay astaan u tahay saaxiibnimada iyo wax istaridda, maadaama qof walba maalin uu wax u baahan yahay,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur.
Taliyaha Ciidanka millateriga Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay munaasabadda agabka ciidan dawladda Shiinuhu ku wareejisay maamulka Muqdisho, ayaa sheegay in gaadiidkan qayb weyn ka qaadan doono hawlgallada socda ee ay kula dagaallamayaa Al-shabaab.
“Dabcan, gaadiidka qiimaha badan ee noocyada kala duwan ah ee Shiinuhu nagu wareejiyey waxa aan aaminsanahay in uu yimid waqti ku habboon oo ay u baahan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka. Waxa aan u mahadcelinayaa dawladda Shiinaha oo taageero hiil iyo hooba leh nala garab taagan. Waa qayb ka mid ah dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo horumarinta hay’adaha ammaanka dawladda,” ayuu yidhi Taliye Odowaa Yuusuf Raage.
Geesta kale, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa agabka ciidan ee Shiinuhu xilligan ku taageeray maamulka Muqdisho ku tilmaantay daandaansi cad oo liddi ku ah dimoqraadiyadda iyo xidhiidhka ka dhexeeya dawladaha waddamada Somaliland iyo Maraykanka.
“Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo dimoqraadiyadda Somaliland iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.”
Sidaa waxa bartiisa Twitter-ka ku qoray Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Cali Bile.