Wargeyska The East African oo warbixin dheer ka qoray safarka Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka

NairobiĀ  -(Berberanews)-Wargeyska East African oo ka soo baxa dalka Kenya, ayaa qoray warbixin dheer oo uu ka qoray socdaalka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku joogo waddanka Maraykanka oo haatan galay maalintii shanaad.


Wargeyska East African, waxa uu si gaar ah faalladiisa diiradda ugu saaray falanqaynta khudbaddii madaxweyne Biixi ka jeediyey xarunta The Heritage ee Washington maalintii Isniinta, taas oo uu kaga xaal hadlay duruufihii Somaliland u soo martay qarannimadeeda iyo sida ay ku soo noqotay dal ka madax-bannaan Soomaaliya.
Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu Maraykanka ugu baaqay inuu xafiis ka furto Somaliland si uu ugu soo biro dawladaha UK, Denmark, Kenya, Taiwan, Imaaraadka carabta oo xafiisyo iyo wakiillo u joogaan Hargeysa.
Wargeyska East African wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu sheegay in Somaliland ay ka caagan tahay budhcad baddeeda iyo argagixisada caalaamiga ah, waxaanu tilmaamay in ay ciidammada ilaalada xeebaha wada shaqeyn iyo iskaashi ka dhexeeyo Ciidammada badda ee Ingiriiska.
Waxa kaloo wargeysku xusay in madaxweyne Muuse Biixi uu ku guubaabiyey beesha caalamka inay taageeraan qaddiyadda aqoonsi raadinta.