Maraykanka oo ku dhawaaqay inuu kordhinayo xannibaadaha Siyaasiyiinta Somalia

USA-(Berberanews)-Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay kordhinayso xannibaadda Fiisaha shakhsiyaadka Loo arko inay wiiqayaan hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka la doonayo inay ka dhacaan Somalia.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa goor dhawayd bartiisa Twittetka kusoo qoray farriintan.

“Mareykanka wuxuu si weyn u taageerayaa dadka Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda. Waxaan kordhinayaa tirada shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee lagu hayo xannibaadaha fiisaha ee kuwa wiiqaya hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.”