Wargeys caalami ah oo ka faallooday safarka weftiga Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka

Washington -(Berberanews)-Wargeyska Associated Press oo ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa faallo dheee ka qoray socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisu ku joogaan magaalada Washington D.C.

Wargeyska ayaa boggiisa hore ku daabacay Salaasadii warbixin ku saabsan safarka weftiga Somaliland ee Maraykanka, isagoo soo xiganaya qeybo ka mida khudbaddii Madaxweyne Biixi uu ku sheegay inay guuldarreysateen wadahadlladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaaliya.

Sidoo kale, wargeysku wuxuu soo qaatay weedho ka mid ahaa khudbaddii Madaxweyne Muse Biixi ee uu ku sheegay, in wada xaajoodkii Somaliland iyo Somaaliya u soo socday tobanka sanno uu ka guuldarreystay dhinaca Somaaliya oo muujiyey in aanay wax dan ah ka lahayn wada hadalladaas, taas oo uu Madaxweynuhu sheegay inay ku khasbayso Somaliland in beesha Caalamka ay kala hadasho aqoonsigeeda.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay wargeysku hadalladii uu ka jeediyey munaasabaddaa Kevin Roberts oo ka dhacday Xarunta ( Heritage Foundation ) ee Washington, inuu aaminsan yahay in Somaliland iyo Mareykanku wada yeeshaan xidhiidh adag oo dhow, maadaama ay ku taal Somliland Gobol ay ka jirto xasilooni darro iyo ammaan xumo xagga argagixisada, isagoo Mr Kevin sheegay in taas beddelkeedana ay Somaliland tahay goob deggan oo ku taal Geeska Afrika oo Mareykanku wax la qabsan karo uu wax ay wada qabsan karaan.

Mr, Kevin Roberts waxa uu intaa ku daray in Somaliland tahay dal ku taagan cagihiisa oo ku dhaqma hannaanka dimoqraadiyadda, soo qabsanayey doorashooyinkooda muddo sannadood ah, balse aanay dunida inteeda badan ka war-hayn, sidaa awgeed waxa uu Madaxweynaha Somaliland oo la doortay 2017kii uu u marayaa aqoonsiga Somaliand dariiq kasta oo suurtogal ah,” ayuu yidhi Kevin Roberts.