Putin oo sheegay in dalkiisu ku guulaysan doonaa yoolka uu ka leeyay Ukraine

Rusia-(Berberanews)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dalkiisu uu ku guulaysan doono yoolalka uu ka leeyahay Ukraine na aanu u hoggaansami doonin waxa uu ugu yeedhay isku dayga reer galbeedka ee lagu doonayo in lagu gaadho xukunka caalamiga ah iyo kala goynta Ruushka.

Putin ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay in uu kala hadlo dhexdhexaadnimada Ukraine, saddex toddobaad oo uu socday dagaal ay ku dhinteen kumannaan qof, kuna qasbay malaayiin reer Ukraine ah inay ka cararaan guryahooda.

Khudbad uu u jeediyay wasiirrada xukuumadda Arbacadii, ayuu Putin qiray xanuunka ay cunaqabataynta reer galbeedka ku hayaan dhaqaalaha, laakiin wuxuu ku adkaystay in Ruushku uu u adkeysan karo dharbaaxada.

Ma jirin wax calaamad ah oo ka soo dabcay oo muujinaya inuu Putin kasoo debcay go’aannadiisa reer galbeedka iyo Ukraine “Mustaqbalka la saadaalin karo, waxaa suurtagal ah in maamulka Nazi-ga ee Kyiv uu gacanta ku dhigo hubka wax gumaada, badhtlmaameedkiisuna, dabcan, wuxuu ahaan lahaa Ruushka,” ayuu yidh Putin.

Putin waxa uu si joogta ah ugu tilmaamay hogaamiyayaasha sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Ukraine inay yihiin Neo-Nazis oo u heellan inay xasuuq ka geystaan ​​dadka ku hadla afka Ruushka ee ku sugan bariga dalka – oo ah khad ay reer galbeedku ku cambaareynayaan dacaayad dagaal oo aan sal iyo raad toona lahayn. Waxa uu sheegay in dalalka reer galbeedka ay rabeen inay Ruushka ka dhigaan “dal daciif ah oo ku tiirsan; ku xad-gudbid wadajirkeeda dhuleed; si ay u kala gooyaan Ruushka si ku habboon siday iyagu rabaan”

Berberanews.com