Maxkamadda ICJ oo ku amartay Ruushka inuu joojiyo dagaalka

Rusia-(Berberanews)-Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa ku amartay Ruushka inuu si degdeg ah u joojiyo  falalka militari ee ka socda Ukraine, iyadoo sheegtay inay “aad uga walaacsan tahay” adeegsiga awoodda Moscow.

“Xidhiidhka Ruushka waa in uu si deg deg ah u joojiyo howlgallada militari ee uu ka bilaabay dhulka Ukraine 24-kii Febraayo 2022,” garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreeya Qaramada Midoobay ayaa ku sheegay go’aan 13-2 Arbacadii.

Garsoorayaasha ayaa intaa ku daray in Ruushka uu sidoo kale xaqiijiyaa in ciidamada kale ee ay gacanta ku hayaan ama ay taageerayaan Moscow aanay sii wadin howlgalka militari.

In kasta oo go’aannada maxkamaddu ay yihiin kuwo dhaqan-gal ah, haddana ma laha waddo toos ah oo lagu dhaqan-geliyo waxaana marar dhif ah dalalku iska dhego-tireen go’aabni hore.

Wadamada diida in ay u hogaansamaan amarada maxkamada waxaa loo gudbin karaa golaha amaanka ee qaramada midoobe,halkaas oo uu ruushka ku hayo awooda diidmada qayaxan.

Sidaas oo ay tahay, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku tilmaamay guul weyn. “Ukrayn waxa ay guul dhammaystiran ka gaadhay dacwadda ka dhanka ah Ruushka ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda,” ayuu ku soo qoray Twitter.

“Maxkamadda ICJ waxay amartay in si degdeg ah loo joojiyo duullaanka. Amarka wuxuu ku dhaqmaa sharciga caalamiga ah. Ruushku waa inuu si degdeg ah u hoggaansamaa. In la iska indhatiro amarka waxay sii go’doomin doontaa Ruushka.”

Berberabews.com
Info@berberanews.com