Xildhibaan ka tirsan xisbiga WADDANI oo taageeray dhowr qof oo ku mudaharaaday weftiga Madaxweynaha

BANNAANBAXA SHALAY EE USA:
“Dadka kooban ee shalay ku soo bannaanbaxay goobtii uu khudbadda ka jeedinayey Madaxweyne Muuse, waa qaybo ka mid ah jaaliyadaha ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan degaan-oorasheedkayga “SSC ama Khaatumo,” sida ka muuqatay hadalladooda iyo boodhadhkoodaba.
Masuuliyad baa naga saaran in aannu tabashadooda iyo aragtidooda dhegaysanno, Xukuumadda iyo Goleyaasha Qarankana u gudbinno tabashadooda, si dawo loogu helo kala-duwanaanshahaas. Mar walba waxaan aaminsanahay in danta Somaliland ku jirto midnimadda dadkeeda.”
Sidaa waxa bartiisa Facebook ku qoray xildhibaan Qaasim Saleebaan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee xisbiga mucaaradka ee WADDANI uga soo baxay Gobolka Sool.