Somaliland: “Sheekh Aadan Sunne wuxuu u baxsaday Jubadda Dhexe ee Soomaaliya”

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in wadaadka caanka ah ee Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ahaa culimada reer Hargeysa uu ka baxsaday dalka Somaliland, isla markaana si dhuumasho ah ku tegay degaannada koonfureed ee waddanka Soomaaliya.

Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo la hadlay BBC-da maanta, ayaa sheegay in weli ay wadaan baadhitaannada la xidhiidha baxsashada wadaadkan mayalka adag oo ka mid ah culimada Somaliland.

“Warka aan hayno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibbo yihiin oo Soomaaliya jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay..wararka na soo gadhaayaa waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay Gobolka Jubbada Dhexe ee dalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Xuseen.