Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La qaatay Masuuliyiin  ka tirsan Golaha Ammaanka Maraykanka

Washington D.C- (Betberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Washington D.C, ayaa kulan la qaatay masuuliyiin sare oo ka tirsan Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka (National Security Council) goor dhoweyd.
Sida lagu sheegay warbixin kooban oo lagu baahiyey bogga Facebook ee xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, waxa kulankaas lagaga wadahadlay sidii dawladaha Maraykanka iyo Somaliland isaga kaashan lahaayeen arrimaha nabadgelyada, dimoqraadiyadda iyo horumarinta.
Sidoo kale, Madaxweyne Biixi iyo weftigiisu waxay kulamo kale la yeesheen masuul ka kala socday Hay’adda Caalamiga ah ee Dimoqraadiyadda Qaranka Maraykanka (National Endowment for Democracy) iyo Baanka Adduunka (World Bank).