Israel oo xayiraad kusoo rogtay Itoobiyaanka

Israel-(Berberanews)-Israa’iil ayaa xayiraad kusoo rogtay xujeyda Itoobiya ee u safraya dalkeeda ciida Easter-ka ee soo socda.

Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya dartiis ay ka walaacsan yihiin in qaar badan oo ka mid ah dadka halkaas cibaadada u tagaya aysan dib ugu laaban dalkooda.

Hay’adda dadka iyo socdaalka ayaa u sheegtay wakaaladaha dalxiiska in dadka Itoobiyaanka ah ay qasab ku tahay inay si gaar ah u codsadaan ruqsadaha.

Dalxiiska Itoobiya waxaa si aad ah u saameeyay lix iyo tobankii bilood ee dagaalku socday iyada oo aan la gaadhin meelo badan oo ka mid ah meelaha sida wayn looga ciiday.

@Bbc Somali