Farmaajo oo malleeshiyo uu hubeeyey ku ururinaya duleedka Buuhoodle si ay ula dagaallamaan Somaliland

Buuhoodle -(Berberanews)-Malleeshiyo-beeleed hubaysan oo isku urursaday duleedka magaalada Buuhoodle, isla markaana xidhiidh rasmi ah la Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa sheegay inay dagaal la geli doonaan dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Kooxdan oo ka go’day malleeshiyada nabad-diidka ee Khaatumo, ayaa dhoollatus ciidan ku soo bandhigay duleedka magaalada Buuhoodle shalay, iyagoo iska duubay muuqaal ay rasaas la dhacayaan sawirrada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani.
Malleeshiyada cusub ee degaannada Buuhoodle uu ku ururinayo Farmaajo, ayaa ku hanjabay inay dagaal la gali doonaan dawladda Somaliland, iyagoo ku faanay inay haatan haystaan cudud ciidan oo u babac dhigi karta dagaal toos ah oo ay la gasho Somaliland.
Hoggaamiyeyaasha kooxdan oo ka hadlay degaanka Dhuumo oo ku yaal duleedka magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay sheegeen inay tababar ugu soo xidheen ciidan uu muddo tababar uga socday, waxayna si weyn ugu mahadnaqeen xukuumadda Madaxweyne Farmaajo oo ay xuseen inay taageero buuxda ka helaan, waxaanay sheegeen in ciidanoodu u dagaallami doono ilaalinta midnimada Soomaaliya. ”Waxay diyaar u yihiin ciidankani halgan dheer. Masuuliyadda ina saarani waa in laga shaqeeyo midnimada Somaaliya. Qabiillo maamulo sheegtay inay dalkan iyo dadkan burburiyaan ma oggolin, Somaaliya waa mid, haddii aynu maanta ka saarno dhulkeenna waxaynu ku khasbaynaa midnimada Soomaaliya,” ayey ku tirabeen jabhadda cusub ee sheegay inay la dagaallami doonaan dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
“Magaalada Buuhoodle iyo deegaanadeeda maamulka Somaliland iyo maamulka Puntland midna kama taliyo. Waxaad ogtihiin in cadowga Somaliland aannu ku jirno qorshihiisa iyo sidii la iskaga eri lahaa, hawshaasna waannu ku jirnaa. Waxa aannu u soconnaa waxa weeye in aannu dhulkeenna ka xorayno,” ayey yidhaahdeen.
Geesta kale, xubnaha meesha ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland aanay wax wada-xaajood ah ka dhexayn, balse dagaal iyo xabbad ka dhexayso. “Somaliland wax xal ah nagama dhexeeyo ee xabbad ayaa naga dhexaysa. Waxaannu u sheegaynaa kuwa degaanka ka soo jeeda ee u shaqeeya Somaliland inay dadkooda soo racaan. Ciidankani waxay u diyaar yihiin inay dhabarka ka jebiyaan Somaliland oo ay ka xoreeyaan dhulkeena iyo inuu ilaaliyo midnimada qaranka Soomaaliya. Waxay ciidankani ku dhaarteen inay xoreeyaan Sool Sanaag iyo Cayn iyo caasimadda Laascanood ee cadowgu haysto.”
“Waxaannu diyaar u nahay la shaqaynta dawladda Soomaaliya iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya, haddii Farmaajo tago dawladda kale ee timaaddaaba waa dawlad Somaaliyeed. Dawladda Somaaliya ha noolaato, Madaxweyne Farmaajo ha noolaado. Waxaannu uga mahadnaqaynaa gacansiinta iyo dhisidda ciidammadan SSC,” ayey yidhaahdeen.
Malleeshiyadan oo sitay calanka iyo dirayska ciidanka millateriga Soomaaliya, ayaa la xaqiijiyey inay dhinacyada hubka, dhaqaalaha iyo tababarkaba si toos ah uga taageerto dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku eedaysay sannadkii hore xukuumadda Farmaajo inay ku hawlan tahay qorsheyaal dhagaraysan oo ay ka waddo gudaha Somaliland, gaar ahaanna degaannada ku dhow magaalada Buuhoodle oo aan si buuxda ugu jirin gacanta maamulka dawladda Somaliland.